Macalinka kooxda Manchester City Manuel Pellegrini. Ayaa saxaafada u sheegay in xidigaha David Silva iyo Wilfried Bony ay seegi doonaan kulanka caawa ay Magaalada Turin kula ciyaari doonaan kooxda Juventus Ciyaaraha Champions League iyagoona diyaar u Noqon doona kulan ay Todobaadka dambe la ciyaari doonaan kooxda Southampton,
David Silva iyo Bony ayaa kamid ah xidigaha ka dhaawacan xili ciyaareedkaan kooxda Manchester City iyadoona ay kusoo biireen xidigaha dhaawacyada Eliaquim Mangala, Vincent Kompany, Samir Nasri iyo Pablo Zabaleta,
Kooxda Manchester City ayaa Fursad u Haysata in ay ku dhamaysato kaalinta sare ee Group D waa hadii ay guul ka gaarto kooxda Magaalada Turin ee Juventus, waxayna kaso kabsan doontaa guuldaro Todobaadkaan kasoo gaartay kooxda Liverpool,

