Nin Soomali ah oo ka Tirsanaa Kooxaha ka Dagaalama dalka Suuriya oo ku Geeriyooday dagaalada ka Socda dalkaas

1

Nin la sheegay In uu soomali ahaa ayaa la Tilmaamayaa in uu ku geeriyooday dagaalada ka socda dalka Syria isagaoona ka garab dagaalamaya kooxaha islaamiyiinta dalkaas ka dagaalamaya.

Abuu Khaalid Al-soomaali oo soomali ah ayaa ku Geeriyooday Gobolka Idlib ee dhaca waqooyiga Suuriya xili uu ka garab dagaalamayay kooxda Jabhadda Al Nusrah ee ka dagaalanta dalka Suuriya.

Muwaadinkaan Soomaliyeed ee Haysta dhalashada dalka Ingiriiska ayaa dhawaan la sheegay in dalka Syria uu  tagay isagoona ku biiray kooxda  Al Nusrah ee ka dagaalanta dalka Suuriya wuxuuna ku geeriyooday dagaal xoogan oo dhaxmaray ciidamada dowlada Suuriya iyo kooxda Al Nusrah ee ka dagaalanta dalka Suuriya.

Warbaahinada dalka Suuriya ayaa Maanta Qoraya in Abuu Khaalid Al-soomaali oo nin soomali ah in uu ku geeriyooday dagaal xoogan oo dhaxmaray ciidamada dowlada Suuriya iyo kooxda Al Nusrah kasoo ka dhacay Gobolka Idlib ee dhaca waqooyiga Suuriya.

1 YORUM

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here