Luis Enrique : Barcelona Bandhig wanaagsan ayaa mar kale laga doonayaa,

0

Macalinka kooxda Barcelona Luis Enrique ayaa ugu baaqay dhamaan xidigaha kooxda Barcelona in ay bandhig wanaagsan la Yimaadaan mar kale kadib guushii ay xalay ka gaareen kooxda AS Roma  ciyaaraha Champions League,

Xidigaha Luis Suarez oo labo dhaliyay Lionel Messi oo labo dhaliyay oo goolal ka Yimid xidigaha Adriano, iyo Pique ayay Barcelona kaga adkaatay kooxda as Roma ciyaaraha Champions League kadib ciyaar ka dhacday Guriga Camp Nou.

Lionel Messi ayaa markii ugu Horeysay dib ugu soo laabtay kooxdiisa Barcelona kadib markii uu dhaawac soo gaaray Bishii September wuxuuna dhaliyay Goolkiisa ugu horeeyay ciyaarta markay maraysay 18-daqiiqo

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here