Dhageyso: Gudiga Dib u Heshiisiinta Qaranka oo ku Baaqay in la Joojiyo Dagaalada ka Socda Magaalada Gaalkacyo

0

Gudiga dib u Heshiisiinta Qaranka ayaa ku  Tilmaamay wax laga xumaado dagaalada ka soo cusboonaaday koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug kasoo u dhaxeeya Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Xoghayaha Gudiga dib u Heshiisiinta Qaranka C,casiis Muqtaar Qariidi  oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalada saakay ka dhacay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

C,casiis Muqtaar Qariidi ayaa sidoo kale sheegay in loogu Baahan yahay Maamulada Galmudug iyo Puntland in xal buuxda ay ka gaareen dagaalada saakay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug  isagoona sidoo kale ugu baaqay waxgaradka Magaalada Gaalkacyo in  ay kala dhaxgalaan ciidamada dagaalamaya.

Xoghayaha Gudiga dib u Heshiisiinta Qaranka C,casiis Muqtaar Qariidi   ayaa sidoo kale Tilmaamay in dowlada soomaliya ay arintaan aad kaga xun tahay wuxuuna sidoo kale sheegay in dowlada soomaliya Gudi u diri doonto hadii la xalin waayo daagalada u dhaxeeya Maamulada Puntland iyo Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here