Maamulka Degmada Walan-weyn oo ka Warbixiyay duqeyn Xalay ka dhacday deeganka baladul-amiin

0

Maamulka degmada Walan-weyn ee Gobolka shabeelaha Hoose ayaa ka warbixiyay duqeyn diyaaradeed oo xalay ka dhacday deegan Hoos Yimaada degmada Walan-weyn ee Gobolka shabeelaha Hoose

Gudoomiyaha degmada Walan-weyn ee Gobolka shabeelaha Hoose xaaji  Isxaaq oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay duqeyn xalay  diyaaradaha dowlada Marekanka ay ka Fuliyeen deegan la Yiraahdo baladul-amiin oo Hoos Yimaada degmada Walan-weyn ee Gobolka shabeelaha Hoose.

Waxa uu Gudoomiyaha degmada Walan-weyn uu sheegay in duqeynta ay dhacday saqdii dhexe ee xalay wuxuuna Tilmaamay in lagu Fuliyay saldhig ay al-shabaab  ku Lahaayeen deegaan Hoos Yimaada degmada Walan-weyn ee Gobolka shabeelaha Hoose.

Sidoo kale Gudoomiyaha  degmada Walan-weyn ee Gobolka shabeelaha Hoose waxa uu sheegay in duqeynta lagu Dilay 8-deed ka Tirsan al-shabaab oo ku sugnaa deeganka baladul-amiin oo Hoos Yimaada degmada Walan-weyn ,

Diyaaradaha Drones-ka Marekanka ayaa Mudooyinkii dambe duqeymo ka Fulinayay meelo ay ku sugnaayeen xarakada al-shabaab oo ku Yaala Gobolada dalka Soomaliya .

Dhanka kale wali wax war ah kama soo bixin al-shabaab ay kaga Hadlayaan duqeynta xalay ka dhacday deegaanka baladul-amiin oo Hoos Yimaada degmada Walan-weyn ee Gobolka shabeelaha Hoose.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here