Dalka Zimbabwe ee qaarada Africa waxaa lagu qabtay Tartan loogu Tartamaayay Foolxumada qaarada africa waxaana kasoo qeyb galay dadka ugu foolxumada badan ee Magaalada Harare ee Dalka Zimbabwe,
Tartamayaasha waxaa qeyb ka ahaa Maison Sere oo 5-kamid ah ilkihiisa ay maqnaayeen wuxuuna ku guuleystay Tartankii Lagu qabtay Magaalada Harare ee Dalka Zimbabwe waxaana abaalmarin ahaan loo siiyay $500(dollar)
Maison Sere ayaa ah nin aad u Foolxumo badan wuxuuna sanadihii dambe ka qeyb Galayay tartamada lagu qabanaayay Magaalada Harare ee Dalka Zimbabwe,
Dhanka kale William Masvinu oo dhawaan ku Guuleystay ninka ugu foolxumada badan dalka Zimbabwe ee qaarada Africa ayaa galay kaalinta labaad kadib markii kaalinta Kowaad uu ku Guuleystay Maison Sere oo loo caleema-saaray ninka ugu Foolxumada badan dalka Zimbabwe,









