Gudoomiyaha Hiiraan oo Soo gaaraya Muqdisho Si Wax Loogu Weydiiyo Dilkii Loogu Geystay Beledweyne Madaxii Main Action

0

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee dowlada Soomaliya Mudane C/fitaax Xasan afrax ayaa Maanta Lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu Yimaado si wax loogu weydiiyo dilkii Dhawaan magaalada Beledweyne loogu geystay Mid kamid ah Madaxda Hay’ada qaramada Midoobe.

Wafdiga Gudoomiyaha ayaa saacadaha socda kasoo duuli doona Garoonka Diyaarahada Ugaas khaliif ee Magaalada Beledweyne waxaana sidoo kale wafdiga Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan  qeyb ka ah Saraakiil  ka Tirsan ciidamada Midowga Africa ee amisom ee ku sugan Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa Maalintii shalay aheyd Hoygiisa ka waday gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan afrax si ay wax kaga weydiiyaan waxa uu Maamulka Gobolka Hiiraan ka Og yahay dilkii dhawaan Magaalada Beledweyne loogu geystay Madaxii Hay’ada Main action ee Magaalada Beledweyne Mahdi xuseen.

Ehelada Marxuumka la dilay ayaa Maamulka Gobolka Hiiiraan Gaar ahaan Gudoomiyaha Hiiraan ku eedeeyay in uu wax ka Ogyahay dilkii loo geystay Madaxii Hay’ada Main action ee Magaalada Beledweyne

Xaalada Magaalada Beledweyne ayaa Mudooyinkii dambe aheyd mid aan cago badan  ku Taakteen Iyadoona Ehelada Marxuumka ay sheegeen in aysan xaalada Dagi doonin inta gacanta Lagu soo dhigayo Ragii ka dambeeyay dilka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here