Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta Kulankooda Caadiga ahaa kuleh xarunta Golaha shacabka Soomaliya ee Magaalada Muqdisho.
Habdhowraha Baarlamanka Soomaliya Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in Kulanka Maanta loogu Hadli doono qaraar uu soo diyaariyay guddiga maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaliya,
Xildhibaan Maxamed cumar Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in xildhibaanada ay sii guda Gali doonaan ajendayaal kale oo Horyaala xildhibaanada Baarlamanka.

