Christian Benteke : Saaxiibo ayaan Nahay Aniga iyo Macalin Jurgen Klopp.

0

Weeraryahanka kooxda Liverpool Christian Benteke ayaa cadeeyay in saaxiibo dhaw ay Yihiin macalinka kooxda Liverpool Jurgen Klopp.

Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Belgium ayaa dhawaan kooxda Liverpool kaga Yimid kooxda Aston Villa isagoona xili ciyaareedkaan nolol wanaagsan ku qaadanaya kooxda Liverpool uu Hogaamiyo macalin Jurgen Klopp.

Dhanka kale macalinka reer Germany Jurgen Klopp ayaa xili ciyaareedkii 2013-kii  isku dayay in uu lasoo wareego laacibka reer Belgium ee Christian Benteke xiligii uu ku sugnaa kooxda Aston Villa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here