Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali sharmarke ayaa Maanta la filayaa in uu soo gaba-gabeeyo safarkii uu Maalmihii dambe ku joogay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Cumar C/rashiid Cali sharmarke ayaa kulan la yeeshtay Ergooyinka ku sugan magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay isagoona kala Hadlay sidii loo xalin lahaa qilaafka soo kala dhaxgalay Ergooyinkii soo xulay Xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaaliya.
Raisulwasaaraha soomaliya Cumar C/rashiid Cali sharmarke ayaa sidoo kale la Kulmay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya Mudane Shariif Xasan sheikh aadan isagoona kala Hadlay sidii loo xalin lahaa qilaafka ka Taagan Magacaabista xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya,
Mudane C.rashiid Cali Sharmarke Raisulwasaaraha soomaliya ayaa sidoo kale Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay Tababar Ugu soo xiray ciidamo ka mid ahaan doona ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya oo mudooyinkii dambe uu Tababar ugu soo socday deeganada uu ka arimiyo Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya.

