Weeraryahanka kooxda Manchester United Anthony Martial ayaa laga cabsi qabaa In dhaawac daran uu soo gaaray kulankii xalay faransiiska uu guuldaro 2:0 ah uu kala kulamay xulka dalka England.
19-jirkaan weerarka kaga ciyaara kooxda Manchester United ayaa lagu badalay weeraryahanka kooxda Atheltic Madrid Antoine Griezman daqiiqadii 67-aad xili Engaland ay goolal ka heleen xidigaha Dele Alli iyo Wayne Rooney
Macalinka xulka dalka France macalin Didier Deschamps ayaa hoos u dhigay wararka ku aadan in uu dhaawac soo gaaray weeraryahanka kooxda Manchester United super Anthony Martial

