Shabaab oo Sheegtay Dilkii Xalay Magaalada Gaalkayo Loogu Geystay Sarkaal ka Tirsanaa Ciidamada Puntand.

0

Xarakada al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada   Sarkaal ka Tirsanaa Ciidamada Maamulka Puntland oo xalay  Lagu dilay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Shabaab ayaa Tilmaamay in  Rag ka Tirsanaa ciidankooda  ay ka dambeeyeen dilkii xalay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug loogu  geystay sarkaal ka Tirsanaa ciidamada Maamulka Puntland ,

Dhanka kale Sarkaalka la dilay ayaa magaciisa Lagu sheegay C/kariin wuxuuna kamid ahaa saraakiisha ciidamada Maamulka Puntland ee woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Idaacadaha al-shabaab afkooda ku Hadla ayaa laga baahiyay in al-shabaab ay ka dambeeyeen dilkii xalay Magaalada Gaalkacyo loogu geystay sarkaal ka Tirsanaa ciidamada Maamulka Puntland.

wali wax war ah kama soo bixin Maamulka Puntland ee woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee kaga Hadlayaan dilkii xalay loogu geystay Magaaladaas sarkaal ka Tirsanaa ciidamada Maamulka Puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here