Dowlada soomaliya ayaa sheegtay in aysan Marnabada aqbali doono gidaarka la sheegay in laga dhiso doono xuduuda ay wadagaan wadamada soomaliya iyo Kenya.
Wasiirka arimaha Gudaha dowlada soomaliya C/raxmaan Maxamed xuseen Odawaa oo la Hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in shacabka soomaliyeed iyo dowlada soomaliya aysan aqbali doonin darbiga la sheegay in laga dhisi doono xuduudka u dhaxeeya wadamada soomaliya iyo Kenya,
Wasiir C/raxmaan ayaa sheegay in dowlada soomaliya gaar ahaan rasiulwasaaraha dowlada soomaliya Mudane Cumar C/rashiid uu ka Hadlay dowlada wadanka Kenya arimaha la xiraara darbiga.
Sidoo kale Wasiirka arimha Gudaha dowlada soomaliya C.raxmaan Odawaa ayaa sheegay in markii ay arrintan dib u soo cuboonaatay maalin ka hor uu Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dowlada soomaliya Maxamed cumar Carte qaalib u yeeray Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya, isla markaana loo gudbiyay cabasho, ayna ka sugayaan Jawaab.
Hadalka wasiirka arimaha Gudaha dowlada soomaliya C.raxmaan Odawaa ayaa imaanaya xili saacadihii aynu soo dhaafnay dadka soomaliyeed ay isla dhaxmarayeen Hadalka ku aadan Darbiga Kenya ay ka dhisayso xuduuda soomaliya iyo Kenya.

