Faafaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya weeraro loo adeegsaday bambaanooyin oo xalay Lagu qaaday meelo kamid ah Magaaada Paris ee dalka Faransiinska.
In ka badan 150-qof ayaa ku dhimatay halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen kadib weeraro lagu qaaday meelo ku Yaala Magaalada Paris ee dalka France.
Goobaha weerarada Lagu qaaday waxaa kamid ah Bataclan theatre. Maqaayada la Yiraahdo Cambodian iyo garoonka kooxda Paris Saint-Germain Stade de France oo xiligaas ay ka socotay ciyaar saaxibtinimo oo u dhaxeysay xulalka France iyo Germany.
Booliska Magaalada Baris ayaa wali wada Howlgalo lagu baadigoobayo ragii ka dambeeyay weerarkii xalay lagu qaaday Goobo badan oo ku yaala Magaalada Paris ee dalka france.
Madaxweynaha wadanka France François Hollande ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii xalay Lagu qaaday Magaalada Paris ee dalka France isagoona shacabkii u sheegay in gacanta Lagu soo dhigi doono ragii ka dambeeyay weerarada.
Dhanka kale dowladaha Mareykan, Ingiriiska ururka Nato ayaa ku Tilmaamay weerarada Lagu qaaday Magaalada Paris kuwa aad loogu xumaado,


















