Labo kamid ah schoolada Bariga magaalada London ee dalkaasi Ingiriiska ayaa la xiray Kadib Markii ay weerar kusoo qaaday ”Caara-caarada Carmalada La yiraahdo
Schoolada kala ah Osmani School iyo Thomas Buxton School oo ku Yaala Bariga Magaalada London ayaa la xiray Kadib markii lagu arkay ”Caara-caarada Carmalada La yiraahdo
Maamulka schoolada Osmani School iyo Thomas Buxton School ayaa ardayda ku amray in Guryahooda ay adaan iyagoona schoolada kusoo laaban doona marki laga saaro ”Caara-caarada Carmalada La yiraahdo oo wali ku dhaxjirta labada school,
Labada school waxaaa Haatan ka socda Baritaano loogu soo saarayo caara-caarada oo wali la sheegay in ay ku jirto labada school.
Dhanka kale Dalka Ingiriiska ayaa kamid ah dalalka inta badan ay ku Nool yihiin ”Caara-caarooyinka waxaa daraasad la sameeyay Lagu ogaatay in malaayin ay ku nool Yihiin dalkaas oo caaro-caaro ah.




