Kulankan oo ahaa midaan caadi ahayn ayaa waxaa shir gudoominaayey Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed Waxaana uu ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Kulanka ay yeesheen Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug ayaa Waxaa lagusoo hadal qaaday arimo dhawr ah oo la xariira xaaladaha Ammaanka ee deegaanada uu ka arimiyo Maamulkaasi intii kulanku Socday ayaa waxaa lagusoo hadal qaaday wixii u qabsoomay wafdiga Madaxweynaha Maamulka Galmudug uu hogaaminaayo ee ku Sugan Magaalad Gaalkacyo.
Sidoo kale Waxaa diiradda lagu saaray kulanka ka hadalka cabashooyin muddooyinkii dambe kasoo yeeraysay shacabka ku nool deegaanada Mamulkaasi uu ka arimiyo oo ahayd isbaarooyin xad dhaaf ah oo lasoo dhigay dhigay deegaanada Maamulkaasi qaarkood.
Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug ayaa kulankooda ka dib waxaa ay soo saareen go’aan ka dhan ah Isbaarooyinka iyo dadka dhigta iyagoona sheegay in tallaabo sharciga Waafaqsan laga qaadidoono Ciddii lagui arko iyadoo Falkaasi Gacanta Kula Jirta.
Markuu soo idlaaday Kulankan Xalay Golaha Wasiirada Galmudug ay ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada Magaalada Gaalkacyo ayaa Waxaa qodobadii kasoo baxay shirkaasi Warbaahinta u aqriyey Wasiir u dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha Galmudug Cumar Maxamed Diiriye Guureeye.
Dadka Ku safra Deegaanada Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa sheegayey Muddooyinkaan in ay qaati ka taaganyihiin Malleeyshiyo Hubeysan oo aysan Garanayn halka ay ka amar qaataan dhac,boob,kufsi iyo dilba u geysanaya.

