Dhageyso:-Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Amisom oo ku Wajahan Deegaanka Galcad ee G/Galgaduud.

0

Ciidamada Dowladda Soomaaliy ayaa lagu waramayaa in hadda ay ku wajahanyihiin Deegaanka Galcad iyo degaanno kale oo hoos yimaada Deegaankaasi oo ay hadda Gacanta Ku hayaan Dagaalyhanno ka tirsan Xarkada Al-shabaab.

Gudoomiyaha Deegaanka Galcad oo la hadlay Radio Simba ayaa Waxaa uu sheegay  in hadda la diyaariyey qorshihii iyo Ciidamadii al-shabaab looga saari lahaa Deegaankaasi iyo deeganada ka ag dhaw oo uu sheegay in Al-shabaab ay ka talinayaan Muddo ku dhaw Shan Sano.

Qadar Maxamud Guddoomiyaha Deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud ayaa Waxaa uu intaa ku daray hadalkiisa in awood buuxda ay u leeyihiin la wareegidda Deegaanada ay ku Wajahanyihiin Ciidanka Dowladda Soomaaliya Waxaana uu ugu baaqay Shacabka Ku nool deegaanadaasi in ay ku gacansiiyaan ka saaridda Al-shabaab ee deegaanadaasi.

Maamlamha Soo aadan ayuu tibaaxay in uu bikaabanayo qorshaha la Wareegidda Deegaanka uu guddoomiyaha ka yahay ee Galcad ee Gobolka Galgaduud isagoona ku eedeeyey Xarakada Alshabaab in ay dhibaatooyin ku hayaan Shacabka Halkaa ku nool Waa Siduu hadalka u yiriye Gudoomiyaha Deegaanka Galcad.

Deegaanka Galcad Waxaa uu Ka Mid yahay Deegaanda Xarakada Al-shabaab ay ka maamusho Gobolka Galgaduud muddo dhawr Sano ahna iyga ayaa Gacanta ku haya deegaankaas iyo deegaanada ka Ag dhaw intaba.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here