Dhageyso:- Kenya oo burburinaysa Astaamihii lagu kala garanayey Xaduudka ay la leedahay Soomaaliya.

0

Nabadoon Idiris oo ka mida Nabadoonada Kasoo jeeda Gobolka Gedo gaar ahaan Degmada Beledxaawo oo la hadlay Radio Simba isagoo ku sugan Degmadaasi ayaa waxaa uu eedeyn u jeediyey Ciidanka Kenya ee ku Sugan Xadka Degmada Baladxaawo ay la wadaagto Dalka Kenya.

Waxaa uu sheegay in Ciidanka Kenya ay ka Wadaan Xadka dhibaatooyin Xooggan oo Saameyn ku yeeshay Ganacsatada iyo waliba dadka shacabka ah ee ku nool degmadaasi islamarkaan ay Ciidanka Kenya markii ay soo galeen Xadka ay bilaabeen in ay burburin ku sameeyaan Astaamihii lagu kala aqononsanayey Xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Waliba Kenya.

Katarabiillo iyo Cagafta Wax burburisa ayuu sheegay in ay u adeegsanayso Kenya burburinta Astaamahaasi islamarkaan aysan garanayn ujeedka ka dambeysa iyo danta Kenya ay ka leedahay arinkaan.

Waxaa uu sheegay Nabadoon idiris in arinkaan ay ku lug leeyihiin Hay’ado iyo NGO-yo ku sugan Xadka kuwaasi oo ay kor ka waardiyeynayaan Ciidanka Dowladda Kenya.

Mudooyinkii dambe Waxaa isasoo tarayey Eedeymo ku aadan faragalin qaawan oo Kenya ay ku hayso Soomaaliya Waxaana la sheegay in Ciidanka Kenya ay ka baayac mushataraan dhoofinta dhuxusha iyo Sonkorta Gobolka Jubada Hoose gaar ahaan Magaalada Kismaayo oo ay ku Suganyihiin Ciidamo ka Socda Waddanka Kenya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here