Galmudug oo baadigoobaysa dad dilal ka geystay Galgaduud.

0

Madaxweyne Ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabeey oo Maanta dib ugu laabtay Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ee Maamulka Galmudug ayaa Waxaa uu k hadlay safarro uu ku kala bixiyey Deegaanno iyo Degmooyin ka tirsan Gobolkaasi.

Waxaa uu sheegay in ujeedka Socdaalkiisa uu ahaa sidii maamul la isku raacsanyahay ay ugu dhisilahaayeen Deegaanada dhaca woqooyiga galgaduud ayna ku guuleysteen in sameeyaan Maamul rasmi ah.

Maxamed Xaashi Carabeey Madaxweyne Ku xigenka Galmudug ayaa sidoo kale sooo hadal qaaday dad lagu dilay Deegaanno hoostaga Degmada Ballamballe ee Gobolkaasi Waxaana uu sheegay in ay ku raadjooghaan Kooxihii ka dambeeyey dilka dadkaasi oo shalay dhacay.

Markii ay gacanta kusoo dhigaan Gacan kui dhiiglayaasha ayuu sheregay in ay sharciga horgeyndoonaan meelwalbana ay uga dabatagidoonaan sida uu yiri waxaa sidoo kale uu ka codsaday wadamada Dariska ah gaar ahaan Ethiopia oo la sheegay in ay galeen dadkii dilka geystay in ay ku gacan siiso galmudug soo qabashada Dambiilayaasha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here