Hogaamiyaha Maamulka Galmudug oo ku wajahan Magaalada Adis-ababa.

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen guuleed iyo Wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta waxaa ay ku wajahanyihiin Magaalada Adis-ababa ee dalka Ethiopia waxaana wafdiga guuleed inta ay ku suganyihiin ay kulamo la qaadandoonaan Madaxda Dowladda Ethiopia Kulamadaasi oo looga hadlaayo sidii ay Xukuumadda Adis ay u taageerilahayd Maamulka Galmudug state.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa Waxaa Wafdigiisa ka Mida Xubno ka tirsan Wasiirada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka ee Maamulka Galmudug State.

Madaxweynaha oo hadda Ku Sugan Magaalada Gaalkacyo  ayaa la sheegay inuu Casuumaad ka helay Madaxda dowladda Ethiopia.

Wararka Qaar ee ay helayso Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinaya In Ethiopia Madaxda Maamulka Galmudug ay kala hadlidoonaan sidii Maamulkaasi uu ugu guuri lahaa Caasimadda Maamulkaasi ee Dhuusa-mareeb oo hadda gacanta ugu Jira Maamulka Gobolada dhexe ee ahlusunna Waxaana Sidoo kale lagu Waramayaa in sidoo kale lagusoo hadl qaadididoono kulanka madaxda Ethiopia iyo Madaxweynaha Galmudug wadahadallo xiligaan dhaxmara maamulada Galmudu iyo Waliba Maamulka Gobolada dhexe.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here