Ciidamada Dowladda Soomaaliya eek u sugan Magaalada Baladweyn ayaa lagusoo Waramayaa in Maanta Howlgal ay ka Sameeyeen Magaalada Baladweyn Gaar ahaan Xaafadda Howlwadaag ay kusoo qaqabteen dad iyo Hub ay ku jiraan walxa qarxa.
Ciidanka ayaa hubka iyo dadkaan kasoo qabtay sida la sheegay guri ku yaalla xaafadda Howlwadaag ee Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka hiiraan Saraakiisha Ciidanka Dowladda Soomaaliya ee Howlgalkaasi wada oo la hadlay Radio Simba ayaa sheegay in howlgalka ay wadayaan walina ay jiraan Xaafado kale oo ay ku tuhusanyihiin in hub iyo walxaha qarxa ay yaallaan.
Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in ay sii Wadayaan Howlgalkan oo sida ay sheegeen ah mid lagu xaqiijinayo amaanka guud ee magaalada Baladweyn.
Intii howlgalku socday ayaa lagu waramayaa in lagu qabtay tiro dad ah oo u badan dhallinyaro lala xiriirinaayo in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab waxaana dhammaantood la sheegay in loo dhaadhiciyey Saldhigga Magaalada Baladweyn halkaasi oo la sheegay in lagu kala saarayo ciddii dambi lagu waayana lasoo dayndoono sida ay xaqiijiyeen Sarakiisha Ciidanka Dowladdda ee Gobolka hiiraan Gaar ahaan Baladweyn.
Magaalada Baladweyn iyo Degmooyinka kale ee gobolka hiiraan ayaa waxaa dhawr mar ciidanka dowladdu ay kusoo qabteen dad iyo hub la sheegay in ay wateen.

