Wararka haatan naga soo Gaaraya xarunta Golaha wakiilada Maamulka Puntland ayaa sheegaya in xildhibaan Axmed Cali Xaashi uu ku guuleystay Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Puntland.
Mudane Axmed Cali Xaashi ayaa helay codod Gaaraya 40, isagoo ka guulaystay murashaxii la tartamayay ee Cabdixakiin Dhoobo-daareed oo isaga helay codad gaaraya 22cod,
Guddiga Doorashada Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Puntland ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay in Mudane Axmed Cali Xaashi uu ku guuleystay Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Puntland wuxuuna shaqada ka Badali doonaan Saciid Cali shire oo dhawaan iska casilay xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Puntland.

