Wasiir Odawaa oo loo Dhaariyay Xubin ka Tirsan Baarlamanka Soomaliya

0

Wasiirka arimaha Dowlada soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed xuseen Odawaa ayaa maanta isniin ah waxaa  loo dhaariyay xubin ka Tirsan Baarlamanka soomaliya isagoona Badali mudane geeriyooday.

Wasiir C/raxmaan maxamed odawaa ayaa badali doona Ex-xildhibaan Cabdi maxamed abtidoon oo dhawaan ku dhintay weerar al-shabaab ay ku qaadeen xarunta Hoteelka saxafi ee Magaalada Muqdisho halkaas ay ku dhinten xubno dowlada soomaliya ka Tirsan iyo milkiilihii Hoteelka saxafi ee Magaalada Muqdisho

Mudane C/raxman Maxmed xuseen Odawaa ayaa lagu dhaariyay kulankii Baarlamanka soomaliya ay  Maanta kaga doodayeen sharciga saxaafada oo dhawaan usoo Gudbiyeen guddiga saxaafada ee Baarlamanka soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here