Mid kamid ah shaqaalaha Garoonka diyaarahada Magaalada Muqdisho oo Goor Ghaweyd Lagu dilay Wadajir

0

Sida ay sheegayaan wararka  aynu ka Halayno degmada wadajir kooxo Hubeysan ayaa Goor dhaweyd waxa ay ku dileen Gudaha degmadaas Mas’uul ka Tirsanaa shaqaalaha Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho

Ruuxa la dilay ayaa Magaciisa Lagu sheegay C/laahi wuxuuna kamid ahaa shaqaalaha garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho sida ay inoo sheegeen dad ku sugan degmada wadajir ee Gobolka Banaadir,

Kooxda Hubeysan ee Fulisay dilka Mas’uulka  ka Tirsanaa shaqalaha Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay ka baxsadeen Goobta Dilka. Uu ka dhacay.

Ciidamo ka Tirsan Kuwa dowlada soomaliya iyo kuwa amaanka Maamulka Degmada wadajir ayaa Goobta soo gaaray iyagoona Baaritaano wada,

wixii kusoo kordha simbanews.com kala soco

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here