Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin xuseen Guuleed ayaa maanta kala diray golahii deeganka Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug
Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Galmudug Cumar Maxamed Diiriye Guureeye ayaa saxaafada u aqriyay wareegtada lagu kala diray Golihii deeganka Maamulka magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Dhanka kale Cumar Maxamed Diiriye Guureeye wasiirka arimaha Gudaha Maamulka Galmudug Ayaa Tilmaamay in Laga Bilaabo Maanta Aysan Jirin Wax Gole Deegaan Ah oo Ay Leedahay Magaalada Gaalkacyo isgaoona saxaafada sidoo kale u sheegay In Maalmaha soo socdo si dhaqsi ah losoo Magacaabi doono Golaha deeganka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug

