Kadib markii Maanta dagaal xoogan uu ka dhacay deeganka Goobweyn oo 11km dhinaca galbeed kaga beegan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada waxaa dagaalkaas si kulul ugu Hadlay Afhayeenka Ciidanka Dowladda Somaliya ee Gobolka Gedo, Korneyl Aadan Axmed Xersi (Aadan Rufle)
Korneyl Aadan Axmed Xersi (Aadan Rufle) ayaa ku Tilmaamay dagaalkii Maanta Lagu soo qaaday ciidamada dowlada soomaliya ee ku suganaa deeganka Goobweyn mid gardaro ahaa wuxuuna ugu baaqay Maamulka Juba-land in sharciga la Horkeeno saraakiishii ka dambeysay in weerar lagu soo qaado ciidamada dowlada soomaliya
Afhayeenka Ciidanka Dowladda Somaliya ee Gobolka Gedo, Korneyl Aadan Axmed Xersi (Aadan Rufle) oo warbaahinta la Hadlay ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidamada hoos Yimaada korneel Barre Hiiraale ay yihiin kuwa mar walba jecel Hormarka laakin hadii lasoo weeraro ay iska difaaci doonaan waa siduu Hadalka u dhigay
Hadalka afhayeenka ayaa soo beegmaya xili Maanta ciidamada Maamulka Juba-land oo garab ka helaya ciidamada Kenya ay weerar ku qaadeen deeganka Goobweyn

