Mid kamid beelaha daga Gobolka Mudug ayaa Maanta waxay Maamulka Galmudug ay ku wareejiyeen ciidamo iyo Hub ay sheegeen In ay ugu Talageen in lagu xoojiyo ciidamada dowlada Goboleedka Maamulka Galmudug
Munaasabadii xil wareejinta Hubka iyo ciidamada waxaa ka qeyb Galay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane c/kariin xuseen Guuleed , Tiro ka Tirsan Golaha wasiirada Maamulka Galmudug , Mas’uuliyiin xilal Horey ugu soo qabtay Maamulka Galmudug iyo odoyaal dhaqameedka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka mudug,
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin xuseen Guuleed oo goobta ka Hadlay ayaa ku amaanay beelaha daga Gobolka Mudug qaabkey u garab taagan Yihiin Maamulka cusub ee Galmudug isagoona sheegay in ciidamada cusub ay wax weyn u qaban karaa Maamul Goboleedka Galmudug.









