Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Caydiid Cabdullaahi “Ilka Xanaf” ayaa haatan ku wajahan Magaalada Dara-salaam ee wadanka Tanzania oo dhawaan lagu qaban doono shir loogu Hadlaayo arimaha Maxkamadaha
Sidoo kale Shirka waxaa kasoo qeyb Galaya Gudoomiyaasha Maxkamadaha dalalka Africa waxaana dirada Lagu sarayaa sida Maxkamadaha dalalka Afrika ay fuliyaan xukunada iyo Garsoorka dalalkooda.
Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Caydiid Cabdullaahi “Ilka Xanaf” oo warbaahinta kula Hadlay Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shirkaan sanadkaan ka dhacaya Magaalada Dara-salaam in markii ugu horeysay la qabtay sanadkii Hore sidaas darteed Gudoomiyaasha Maxkamadaha dalalka afrika ay isku af-garteen in sanadkiiba Hal Mar la qabto shirkaan.

