Taliyaha Nabad Suggida iyo sirdoonka qaranka dowlada Somaliya C/raxmaan Tuur yare ayaa dhamaan laamaha amaanka dalka ugu baaqay in inay si adag u baaraan gaadiidka iyo dadka soo galaya Magaalada Muqdisho,
C/raxmaan Tuur Yare ayaa sheegay in Falalka amni darada ay qeyb ka Yihiin dadka soo Galaya Magaalada Muqdisho wuxuuna ugu baaqay dhamaan ciidamada Nabad sugida ee ku sugan Koontaroolada laga soo galo Magaalada In baaritaano adag ay ku sameeyaan gadiidka xamuulka qaada iyo kuwa gaari dameerada.
Hadalka Taliyaha Nabad Suggida iyo sirdoonka qaranka dowlada Somaliya C/raxmaan Tuur yare ayaa kusoo beegmaya xili todobaadkaan Gudihiisa weerar lagu qaaday Hoteelka saxafi ee Magaalada Muqdisho.

