Sawiro:Gudoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir oo Booqday Dadkii ku Dhaawacmay Weerarkii Hoteelka Saxafi

0

Gudoomiyaha cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir  ee dowlada soomaliya Yuusuf xuseen Jimcaale (Madaale) iyo xubno ka Tirsan Maamulka Gobolka Banaadir  ayaa maanta booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii Todobaadkaan lagu qaaday Hoteelka saxafi ee Magaalada Muqdisho

Mudane Yuusuf xuseen Jimcaale  Gudoomiyaha cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir  ayaa mid mid u booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii Todobaadkaan Lagu qaaday Hoteelka saxafi isagoona u rajeeyay in caafimaad deg deg ah ay helaan .

Sidoo kale Gudoomiyaha cusub ee Maamulka Gobolka Banadir Mudane Madaale ayaa Maamulka isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho kala sheekeystay xaaladaha Bukaanada xiligaan jiifa isbitaalka.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Lacago shillin soomali ah ugu deeqay bukaanada xiligaan jiifa Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho

Halkaan ka Daawo sawirada

12194862_1645749178997168_2887645375053625650_o (1) 12194554_1645749545663798_672566494681674010_o 12194522_1645749385663814_631753165227036999_o 12191381_1645749448997141_4821340953388218003_o 12191339_1645749345663818_310521720083658805_o 12191159_1645749442330475_6309939135248840553_o 12186487_1645749628997123_5627342779912905051_o 12194862_1645749178997168_2887645375053625650_o 905564_1645749455663807_5094001125191492151_o 1890489_1645749378997148_1726616836721696669_o 12182464_1645749632330456_7706967675309695502_o 12182993_1645749402330479_6797582818141162540_o 12183002_1645749375663815_3419936117196622903_o 12185394_1645749482330471_5785518852206333585_o

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here