Ala ha u naxariistee weerarkii saakay Lagu qaaday Hoteelka saxafi ee Magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyooday mid kamid ah wariyaasha idaacada shabeele ee Magaalada Muqdisho
Wariye Marxuum Mustaf Cabdi Nuur Shafaana oo ahaa sawir qaadihii idaacada shabeele iyo Tv-ga shabeele ayaa ku geeriyooday weerarkii iyo qaraxyadii saakay lagu qaaday Hoteelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho.
Dhanka kale Wariyaha ka Tirsanaa idaacada shabeele ee Magaalada Muqdisho ayaa gabaad ka dhiganaayay mid kamid ah baabuurtii ka ak dhaweyd Hoteelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho wallow Markii dambe uu qarxay Gaariga sida ay inoo sheegeen Maamulka idaacada shabeele ee Magaalada Muqdisho.

