Ciidamada Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka dowlada soomaliya ayaa la sheegay in ay ku guuleysteen soo af jarida weerarkii saakay al-shabaab ay kusoo qaadeen Hoteelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho
Ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka dowlada soomaliya ayaa sidoo kale la Tilmaamay in ay soo badbaadiyeen mas’uuliyiin farabadan oo ku sugnaa hoteelka Saxafi kuwaasoo isugu jiray, xildhibaanno, saraakiil, culumaa’udiin, aqoonyahanno iyo shaqsiyaad qurbajoog ahaa oo xiligaas ku sugnaa Hoteelka.
Dhanka kale Wali dowlada soomaliya ma aysan soo Bandhigin Tirada Rasmiga ah ee ku dhimatay kuna dhaawacmatay weerarkii iyo qaraxyadii saakay Lagu qaaday Hoteelka saxafi ee Magaalada Muqdisho wallow ay sheegtay in ay dib kasoo Bandhigi doonto
Weerarkii saakay Lagu qaaday Hoteelka Saxafi waxaa ku dhintay Mas’uuliyiin dowlada soomaliya Horey xilal ugu soo qabatay Milkiilihii Hoteelka saxafi, iyo wariye ka Howlgala Muqdisho, Mas’uuliyada weerarka waxaa sheegtay al-shabaab
Halkaan ka daawo Sawirada








