Dhageyso: Dowlada Soomaliya oo Cambaareesay Weerarkii Saakay Lagu Qaaday Hoteelka Saxafi

0

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee dowlada soomaliya Mudane Maxamed cabdi xayir Maareeye ayaa cambaareeyay weerarkii saakay Lagu qaaday Hoteelka saxafi ee Magaalada Muqdisho

Isagoo warbaahinta dowlada  la Hadlaayay ayuu sheegay wasiirka in dowlada soomaliya ay aad kaga xun tahay weerarkii saakay lagu qaaday Hoteelka saxafi ee Magaalada Muqdisho dowladana ay Tacsi u direyso dhamaan dadkii ku geeriyooday weerarkii Hoteelka saxafi

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee dowlada soomaliya   ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada dowlada soomaliya ay xaqiijinayaan amaanka agagaarka Hoteelka dhawaan si Rasmi ah losoo Bandhigi doono dadkii ku dhintay weerarkii  Hoteelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho

Mudane Maxamed cabdi xayir Maareeye ayaa sidoo kale Tilmaamay  in aysan hakad Gali doonin dagaalada Lagu jiro Xarakada al-shabaab inta laga saari doono dhamaan dalka soomaliya waa siduu Hadalka u dhigay wasiirka warfaafinta dowlada soomaliya

wasiirka warfaafinta dowlada somaliya

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here