Qaar kamid saxaafada Magaalada Muqdisho ayaa saakay Qoray warar ku adaan in uu geeriyooday xildhibaan Hore oo Lagu Magacaabo Mudane Xasan Abshir Faarax oo dhawaan xilka Xildhibaano ku wareejiyay wiilkiisa,
Safiirkii Hore ee soomaliya u fadhiyay wadanka Kenya Maxamed cali Nuur ameerico oo la Hadlay warbaahinta ayaa beeniyay wararka ku aadan in uu xidhibaan Hore Xasan Abshir Faarax uu kamid ahaa dad saakay ku geeriyooday Hotelka Saxafi oo weerar Lagu qaaday.
Maxamed Cali Nuur ameerico safiirkii Hore ee soomaliya u Fadhiyay wadanka Kenya ayaa sheegay in uu qadka Taleefanka kula xiriiray xildhibaanka uuna u sheegay in uu ku sugan yahay Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya kadib markii dhawaan xilka xildhibaano uu ku wareejiyay wilkiisa abshir xasan abshir Faarax oo dhawaan la dhaariyay.

