Madaxweynaha soomaliya Mudane xasan sheikh Maxamuud iyo wafdi uu Hogaaminaayo ayaa Gaaray Magaalada New Delhi ee wadanka Hidinya
Waxaa Magaaladaas wafdiga Madaxweynaha soomaliya kusoo dhaweeyay Madax ka Tirsan dowlad wadanka Hindiya safiirka dowlada soomaliya wadanka Hindiya u fadhiya iyo Madax Kale
Madaxweynaha Soomaliya Mudane xasan sheikh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa ka qeybgali doona shir u dhaxeeya India iyo wadamada Afrika kasoo looga hadlayo iskaashiga ay India la leedahay dalalka Qaaradda Afrika.
Shirka ayaa Maalinta Bari oo 29- Tariikhda ay tahay waxa uu ka Furmi doona Magaalada New Delhi ee wadanka Hidinya dowlada soomaliya iyo dowlada wadanka hindiya ayaa kuwa Hadli doona sidii kheyraadka iyo korontada la isaga kaashan lahaa sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka Arrimaha dibedda ee Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar.
Kulanka oo Maalinta Bari ah Furmaya ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxa ay kulamo kula qaadan doonaan wadanka Hindiya Madaxda wadanka Hindiya iyo Madaxda ka socota Africa oo shirka aka qeyb Galay












