Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Maxmed sheikh Cusmaan Jawaaari ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa hey’adda ICRC Peter Maurer oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.
Maxamed sheikh Cusmaan jawaari iyo Madaxa hey’adda ICRC Peter Maurer ayaa ka wada Hadlay Howlaha ay Hay’ada ICRC ka wado wadanka soomaliya
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb Galay Xeerilaaliyaha guud ee Qaranka Mudane Axmed Cali Daahir iyo Taliyaha ciidanka Asluubta Bashiir Axmed Jamac Bashiir Goobbe
Madaxa hey’adda ICRC Peter Maurer ayaa Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Maxamed sheikh cusmaan Jawaari iyo xeer ilaaliyaha u sharxay Howlaha ay Hay;ada ka qabato wadanka soomaliya
Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Maxmed sheikh Cusmaan Jawaari ayaa kulanka Gaba-gabadiisa shahaado sharaf guddoonsiiyey Madaxa Hay’ada ICRC.

