Wasiirka Warfaafinta oo ka Hadlay Arimaha Shirka Maamul u Sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe

0

Wasiirka Warfaafinta dowlada soomaliya Mudane Maxamed cabdi Xayir Maareeye ayaa ka Hadlay arimaha shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe oo Hakad ku Yimid

Isagoona warbaahinta la Hadlay ayuu sheegay Wasiirka warfaafinta dowlada soomaliya Mudane Maxamed cabdi Xayir Maareeye in dhamaadka sanadkaan la dhameystiri doono shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo shabeelaha dhexe

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in markii hore qorshaha uu ahaa in bisha November la soo xulo ergooyinka iyo Baarlamaanka, si doorashada Madaxweynaha loo qabto, hase ahaatee ay dib u dhigeen muranno iyo waxyaabo kale oo xiligaas jiray

Wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo kale sheegay in dowlada soomaliya ay Go’an Tahay dhaqan Galinta Qodobadii kasoo baxay  shirkii shalay lagu soo Gabagabeeyay Magaalada Muqdisho ayna xukuumada Guddi Farsamo dhawaan u diro doonto Gobolada si ay kulamo ula qaataan qaar kamid ah dadka daga Gobolada dalka soomaliya

Wali waxaa Hakad ku  jira in la amba qaado arimaha shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo shabeelaha dhexe iyadoo waqtiga lagu heshiiyay uu ahaa 7-dii September bishii aynu soo dhaafnay

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here