Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in dalkaas lagu diley muwaadin soomaliyeed waxaana dilkiisa ka dambeeyay Burcad koonfur afrikaan ah
Muwaadinka la diley ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdulaahi Weydoow Wuxuu Ka Mid ahaa Ganacsatada Somaliyeed ee Magaalada Cape Town Ee Dalka Koonfur Afrika
Mid kamid ah suxufuyiinta ku sugan Magaalada CapeTown ee dalka Koonfur Afrika ayaa radio simba ee magaalada Muqdisho u sheegay in kooxo Burcad ah ay soo weerareen muwaadinkaan soomaliyeed markiii dambana ay ku dileen Goobtiisa Ganacsi kadib xabado kaga dhacay qeybaha sare ee Jirkiisa
Goobta uu dilka ka dhacay waxaa soo Gaaray ciidamada Booliska dalka Koonfur Africa iyagoona Baaritaano ka sameeyay Goobta uu dilka ka dhacay ilaa Hada lama Ogo cida losoo qabtay dilka loo geystay Muwaadinka soomaliyeed

