Dhalinyaro Careysan oo Rasaas ku Furey Booyad Shidaal oo Maraysay Wadada u Dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera

0

Wararka ka imaanaya  Magaalada Hargeysa ee maamulka Somali-land ayaa sheegaya in Booyad shidaal oo mareysay wadada u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera ay maanta dhalinyaro rasaas la dhaceen

gudoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar oo warbaahinta la Hadlay  ayaa xaqiijiyay in dhalinyaro Hubeysan ay rasaas ku Fureen Booyad shidaal oo maanta Mareysay wadada u dhaxaysa Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera

Sidoo kale Gudoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Saaxil  uu Garanayo dhalinyarada Rasaasta ku Furta gadiidka ayna Boolis ka Yimaaday Magaalooyinka Berbera iyo Hargaysa in Haatan La geeyay Halka ay rasaasta ka dhacday Maanta

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dadweynaha Magaalada Berbera ay kasoo Horjeedaan sida uu Maamulka Gobolka saaxil ugu wareejiyay Haamaha shidaal shirkado caalami ah Taasina oo keentay in Rasaas ay wadooyinka ku Furaan dhalinyarada Magaalada Berbera ee Gobolka saaxil

 

 

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here