Wararka ka imaanaya Gobolka galgaduud ee Bartamaha soomaliya ayaa sheegaya in ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Ethopia in ay la wareegeen deegaano Hoos Yimaada Gobolka Galgaduud
Taliyaha Howlgalinta ciidamada dowlada soomaliya ee Gobolka Galgaduud axmed Maxamed Tareedisho oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada dowlada soomaliya oo garab ka helaya ciidamada Ethopia in ay Goor dhaweyd la wareegeen deegaano Hoos Yimaada Gobolka Galgaduud gaar ahaan deeganka Wabxo
Axmed Maxamed Tareedisho ayaa Tilmaamay in dagaal xoogan oo ka dhacay Gobolka Galgaduud Gaar ahaan deegaanka wabxo xiligaana deeganka ay ku sugan Yihiiin ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Ethopia
Taliyaha ayaa Hadalkiisa ku daray in ay sii socon doonaan dagaalada lagula wareegayo qeybo kamid ah Gobolka Galgaduud ay xiligaan ku sugan Yihiin ciidamada xarakada al-shabaab waa siduu Hadalka u dhigay Taliyaha
Wali wax war ah kama soo Bixin Maamulka al-shabaab ee Gobolka Galgaduud ay kaga Hadlayaan dagaalka Maanta ka dhacay qeybo kamid ah Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaliya

