Maamulka degmada Qoryooley ee Gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegay in Maamulkooda ay isku soo dhiibeen Rag ka Tirsanaa al-shabaab oo dhawaan soo wareeraray saldhigyada ciidamada Midowga africa ee Amisom
Gudoomiye ku-xigeenka dhanka amniga iyo siyaasada Maamulka Degmada Qoryooley ee Gobolka shabeelaha Cabdi axmed Cali oo Goor dhaweyd la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maamulkooda ay isku soo dhibeen Labo shaqsi oo ka Tirsanaa al-shabaab mid kamidna uu ahaa Ragii dhawaan soo weeraray Buundada degmada Qoryooley ee Gobolka shabeelaha Hoose
Cabdi axmed Cali Gudoomiye ku-xigeenka dhanka amniga iyo siyaasada Maamulka Degmada Qoryooley ayaa sidoo kale sheegay in shaqsiga kale uu ahaa Gudoomiyaha dhanka zakawaadka ee al-shabaab ee degmada Qoryooley u qaabilsanaa iyo gadiid uu watay oo Noha ahaa
Dhawaan ayay aheyd Markii ciidamo ka Tirsan kuwa al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen degmada Qoryooley ee Gobolka shabeelaha Hoose gaar ahaan saldhigyada ciidamada Midowga Africa ee amisom waxaana dagaalkaas ku dhintay askar ka Tirsanaa ciidamada amisom oo u dhashay wadanka Uganda

