Taliyaha Ciidamada Ammaanka Magaalada Guriceel Galad Maxamuud Qeyliye oo la hadlay Idaacadda Simba ee muqdisho Ayaa Waxaa uu sheegay in Magaalada Guriceel iyo deegaannad kale ee maamulka Ahlu-sunna ee gobolada dhexe laga mamnuucay dadka isticmaala gaadiidka ay ku xiranyihiin miraayadaha Beensalka loo yaqaanno ee madoow.
Sababaha Keenay inay Mamnuucaan arintaan ayuu ku sheegay sababo la xariira dhinaca ammaanka oo Qatar badan ay kasoo wajahday gawaarida beensalka ah.
Taliyaha oo sii hadlaya ayaa sheegay in hadda ka hor go’aankaan ay soo saareen dad badanna aysan dhaqan galin ciddii u hogaansamiweysa ayuu sheegay inay sharciga la tiigsandoonaan oo ay tilaabo adag ka qaadayaan ganaaxna ay la kuulmi doonto.
Hodka Hoos Ka Dhageyso.

