Deegaanna ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa hadda Waxaa Kasoo Cusboonaaday Dil gaadmo ah oo ku saleysan aanooyin Qabiil oo ay geysanayaan Maleeshiyo Beleedyo hubeysan.
Deegaanada Maygagudle iyo Deegaanka Haanladile oo kamida Deegaanada hoos yimaada Gobolka Galgaduud ayaa mudooyinkaan waxaa kusoo badanayey Dilalka la xariira aanooyinka qabiil.
Ilaa iyo in kabadan 3-ruux ayaa la xaqiijiyey in siyaabooyin kala duwan loogu dilay dad kasoo kala jeeda beelaha halkaa ku dagaalamaya.
Dadka Deegaanadaasi ku nool ayaa waxaa ay hadda qeylo dhaan ka muujinayaan soo noqoshada falalka la xariira isku dilidda aanooyinka Qabiilka,Mid kamida dadka deegaanadaasi ku nool oo la hadlay Idaacadda Simba ayaa sheegay in dadku ay Cabsi awgeed kasoo bixila’yihiin guryahooda
Hadaan wax laga qabanna ay saameyn dhinacyo farabadan ah ay ku yeelanayso dadka deegaanadaasi ku nool.

