Iyadoo galinkii hore ee shalay gaari nuuca soomaalidu ay u taqaanno cabdi bilaha oo ay wateen Ciidamo ka tirsan Dwladda Soomaaliya uu laba gabdhood oo walaalo ah uu ku jiiray Deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho islamarkaan agoobtaasi uu ka baxsaday gaari gabdhaha jiiray ayaa waxaa ehelada Gabdhaha ay baaq u direen Dowladda Soomaaliya
Nin sheegay inuu abti u ahaa gabdhaha dhintay oo la hadlay Idaacadda Simba ayaa Sheegay in ilaa hadda aanan la haynin gaarigii falka geystay oo durbaba goobta kabaxsaday taasi oo uu sheegay inay tahay gaabis hay’adaha ammaanka ee dowladdu ay kasameeyeen Soo qabashada gaarigaasi gabdhaha Dilay iyo askartii wadatay.
Madaxda ugu Sareysa Dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay gacan ka geystaan soo qabashada askara wadatay gaariga gabdhaha jiiray isagoo si gaara baaq ugu diray Taliyaha Cusub ee Cidanka Xoogga Dalka oo isagu dhawaan Xilka la Wareegay.

