Author Archives: Radio Simba

Kiisaska Caabuqa Carona-Virus ee Soomaliya oo Gaaray 1,502 xaaladood

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay xanuunka Karoona ka bogsoodeen 15 qof taaso oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 178 oo ka dhigan inay xanuunka ka reysteen ku dhawaad 12% dadkii uu feyrusku haleelay. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 47 xaaladood oo kala jooga ...

Read More »

Maxkamadda ICJ oo Dib u Dhigtay Kiiska Dacwadii Badda ee Somaliya iyo Kenya

Garsoorka maxkamadda caddaaladda caalamiga ah ee ICJ ayaa ku dhawaaqay in mar kale dib loo dhigay waqtiga dhageysiga dacwadda muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. War maanta kasoo baxay maxkamadda uu fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Netherlands ayaa lagu sharraxay sababta dib u dhigista iyo waliba jadwalka dhageysiga kiiskaas. Warqad loo diray dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayey ...

Read More »

Mareykanka oo Shacab Waxyeelo u Geystay Deegaanka Kuunyo Barroow+Sawirro

Diyaaradaha Dowladda Mareykanka ee wax duqeeya ayaa dad shacab ahaa waxyeelo ugu geystay Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfurta Soomaaliya. Duqeynta ayaa lala beegsaday guri dad shacab ah deganaayeen oo ku yaala deegaanka Kuunyo Barroow ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Sawirro laso bandhigay ayaa muujinaya waxyeelada duqeynta ka dhalatay. Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka diyaaradaha Mareykanka ayaa guriga la beegsaday 6-gantaal waxaana ...

Read More »

Al-shabaab oo Sheegay in uu Ka Badbaaday Mid Kamid ah Xildhibaanada

Al-shabaab ayaa sheegay in uu ka badbaaday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle. Warbaahinta Shabaab ayaa lagu baahiyay in weerar lagu qaaday xalay guri uu xildhibaanka dagan yahay oo ku yaala degmada Balcad ee Shabeelaha dhexe. Inkastoo Shabaab aysan sheegin magaca Xildhibaanka,balse waxa ay xaqiijiyeen in uu ka badbaday weerarka lagu qaaday. Al-shabaab ayaa kordhiyay Mudooyinkii dambe weerarada ay ku ...

Read More »

Ciidamadda Danab oo Howlgal Ka Fuliyay Deegaanka Wargalo Ee Gobolka Mudug

Wararka ka imaaanaya Deegaanka Wargalo Ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in ciidamada Danab ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay deegaankaas ka fuliyeen howlgal qorshaysnaa. Ciidamadda Danab ayaa gudaha u galay guri ku yaala Deegaanka Wargalo,waxaana la sheegay in ay halkaas kala baxeyn Nin hubeysnaa oo guriga la weeraray ku sugnaa. Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Galmudug,waxaa jirey iska ...

Read More »

Ciidamadda Kenya oo Duqeyn Ku Dilay Hooyo iyo Laba Caruur ay Dhashay

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa ku waramaya in Ciidamadda kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay duqeyn ka fuliyeen halkaas. Duqeynta ayaa ka dhacday deegaano u dhaxeeya Ceel-waaq iyo Baardheere ee Gobolka Gedo oo lagu magacaabo Cows-qurun. Dadka deegaanka ayaa idaacadda Simba ee Magaaladda muqdisho u sheegay in duqeynta ay fuliyeen diyaaradaha Dowladda Kenya,islamarkaana ...

Read More »

DFS oo Sheegtay in 24-saac ee La Soo Dhaafey Covid-19 Laga Heley 39-Ruux

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay ay xanuunka Karoona ka bogsooseen 11 qofood. Bukaannada jirkooda laga waayay Feyruska ayaa tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigaya 163 oo ka dhigan inay xanuunka ka reysteen in ka badan 11% dadkii uu xanuunku haleelay. ...

Read More »

Al-shabaab oo Bilaabay Qorshe ay Ku Beegsanayaan Gudoomiyayaasha+Dhageyso

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland ayaa loogu baaqay inay la yimaadaan isbedel ku aadan weeraradda Gaadmada ah ee lagu beegsanayo Mas’uuliyiinta Maamulada Gobalada ka dib Dilkii Gudoomiyihii Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur. Dilalka qaraxyada loo adeegsaday ee lala beegsaday Gudoomiyaashii  Gobalada Baanaadir,Nugaal iyo Mudug ayaa la sheegay inay daboolka ka qaadeen in Alshabaab ay  bartilmaameedyo ku hayaan Mas’uuliyiinta ...

Read More »