Canada oo Ku Dhawaaqday inay Hakisay Aqbalaadda Qaxootiga Cusub

0

Canada ayaa ku dhawaaqday in ay si ku meel gaar ah u hakisay aqbalaadda qaxootiga gaarka ah ee ka kooban shan qof ama in ka badan si ay dowladdu u maareeyso dib u dhaca ku yimid codsiyada qaxootiyadii hore.

Warkaan waxaa soo saaray hay’adda Socdaalka, Qaxootiga iyo Dhalashada ee dalka Kanada (IRCC).

Joojintan ayaa waxa ay socon doontaa ilaa Diisambar 31, 2025, sida ay sheegtay laanta socdaalka, qaxootiga iyo jinsiyada Canada (IRCC). Joojintaan waxay saameyn doontaa Soomaali badan oo sanad kaste ku baxa barnaamijka isxambaarka ee loo yaqaano 5-Group.

Dawladdu Canada ayaa sheegtay in dalabka Qaxootigu uu aad uga badan yahay tirada ay ugu talo gashay. Kanada waxay qorsheynaysaa in 23,000 oo qaxoonti si gaar ah loo kafaalo qaado sannadada 2025-2027.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here