Sheekh Shariif oo si adag uga hadlay khilaafka dowladd iyo Jubbaland

0

Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo warbaahinta shir jaraa’id ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaalada guud ee dalka.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay khilaafka culus ee u dhaxeeya dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, isagoona garab istaag xoogan u muujiyay madaxweynaha dhawaan dib loogu doortay Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale arrin aan wanaagsaneyn uu ku tilmaamay talaabada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay ku geysay deegaanada Jubbaland ciidamo ay ka daabushay magaalada Muqdisho.

“Maanta arrintu waxay soo gaartay ciidamadii qaranka ee loogu talagalay inay difaacaan dalka loo adeegsanaayo xaalad la abuuraayo oo uu dhiig ku daadan karo, waana mas’uuliyad darro weyn, mana jirin baahi loo qabo in ciidan qaran la geeyo Jubbaland” ayuu yiri madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here