Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa ku wargelisay shirkadaha diyaaradaha ee adeega duulimaadka bixiya ee haysta ogolaanshaha wasaaradda inay la shaqeeyaan Maareeyaasha garoomada diyaaradaha ee wasaraaddu magacowday ee degaanada Jubalanad.
Wasaaradda ayaa shirkadaha maxaliga ah ee ka howlgala Soomaliya u sheegtay inaan La ogolaan doonin cid aan wasaaraddu u idman shaqada duulimaadyada Jubaland ee shirkaduhu latacaamuli karin.
Sidoo kale Wasaaradda bayaanka ay soo saartay waxay ku sheegtay in Jubaland Mareereeyaha ugu magacaaban arrimaha duulimaadyada ay si wanaagsan ula shaqeeyaan gudoomiyaasha degmooyinka iyo laamaha amniga ee howlahaan u xil saaran.

