Dhageyso:-Degmada Boondheere oo laga  soo Tuuray Hoobiyaashii lagu garaacay degmada Wartanabada

0

Maamulka degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa si Cad u sheegay in weerarkii Hoobiyaashii ee dhawaan Lagu garaacay degmada wartanabada  laga soo tuuray Gudaha degmada Boondheere,

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee  degmada Boondheere axmed Maxamed Ceynte oo maanta hadal kooban ka jeediyay boroor diiq loo sameynayay dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay w hoobiyaashii dhawaan lagu gaaray warta nabada ayaa sheegay in degmada  boondheere ay aheyd meesha sida rasmiga ah loogu soo tuuray hoobiyaasha,

Axmed Maxamed Ceynte waxa uu sheegay in laamaha amaanka degmada boondheere ay xiligaas ku mashquulsanaayeen Howlo kale sida xirada wadooyinka iyo baaritaano laakin ay shacabka degmada oogaayeen in gudaha degmada laga tuurayay hoobiyaal,

Khamiistii aynu soo dhaafnay ayay aheyd markii tiro hoobiyaal ah lagu gaaracay degmada wartanabada.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here