Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ugu dambeyn lagu guuleystay xalinta dagaal beeleed ka dhacay Bariga Gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulka soomaliya,
Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Maamulka Galmudug cali C/laahi oo wareysi siiyay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamo ka Tirsan kuwa Maamulka Galmudug la kala dhaxdhigay meeleeshiyo beeleedkii dhawaan ku dagaalamay deeganka higlaale.
Cali C/laahi Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Maamulka Galmudug waxa uu sheegay in dagaalka dhaxmaray meeleeshiyo beeleedka uu geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac dhawaan heshiis rasmi ah laga gaari doono.
Dhanka kale Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Maamulka Galmudug waxa uu sheegay in shirka Golaha wasiirada Maamulka Galmudug ee maanta dhacaya la horgeyn doono dagaalka ka dhacay deeganka higlaale ee bariga Gobolka Galgaduud,

